Ururka ka faallooda arimaha musuqmaasuqa caalamka ee Transparency International oo fadhigiisu yahay magalalada berlin ee dalka jarmalka ayaa soo saaray liiska musuqmasuqa ee wadmada caalamka ee saanadkii 2018.

Ilaa 1995-kii ayay hay’adda Transparency International soo waday xog ururintan, iyadoo imika ah tan ugu wayn caalamka ee tooshka ku ifisa meelaha uu musuqmaasuqu ka jiro ee hay’adaha dawliga ah.

Liiska waxa ku jira 180 dal, iyadoo warbixintuna xustay in badi wadamadda caalamku ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan musuqmaasuqa. Khubarada ururka ayaa tibaaxay in kala badh wadamada caalamka uu ka jiro musuqmaasuq baahsani iyadoo wadamadsina ay sii kala musuq badanyihiin.

Soomaliya oo ay ku jirto Somaliland ayaa mar kale noqotay wadanka ugu musuqmasuqa badan dunida, waxayna ku jirtaa kaalinta 180-naad.

Wadanka denmark ayay xogtu ku tilmaaysa wadanka dunida ugu nadiifsan dhanka musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta.

Wadamda newzealnd finland singapoure sweden switzerland iyo norway ayaa kaalmaha ugu horeeya ku jira iyagoo si wanagsan ula dagaalamay musuqmaasuqa.

Wadamda somaliya, syria sounth sudan yemen waqooyiga kuuriya iyo sudan ayaa liiska kaga jira xaga danbe iyagoo lagu tilmaamay wadamada ugu musuqa badan caalamka.

Hadaynu eegno wadamada geeska afrika waxa ugu nadiifsan itoobiya sida ay warbixintu sheegayso, waxay gashay kaalinta 114 waxa ku xigta  jabuuti oo ku jirta kaalinta 124 halka kenyana ay ku irto kaalinta 144.

Afrika waxa ugu musuqmaasuq yar jasiirada Seychelles oo ku jirta kaalinta 28-naad Waxa ku xiga wadamda Rwanda Namibia Sinigaal Maroko iyo Koonfur Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga