Laba diyaaradood oo midi ahayd nooca qumaatiga u kaca midina ahayd diyaaradaha yaryar ee rakaabka oo marayay xadka wadamada faransiiiska iyo talyaaniga ayaa isku dhacay.

Illaa 2 qof oo dhaawac ah ayaa laga helay goobta ay diyaaradahani ku burbureen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta waaxda bad baadada buuraha ee talyaaniga oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaanno cnsas.

labo diyaaradood oo ay la socdaan dhakhaatiir iyo kooxaha gurmadka deg dega ah oo ku qalabysan qalabka biraha lagu jaro, ayaa loo diray halka uu shilku ka dhacay.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday cisbitaalada iyadoo la baaadigoobayo dadka ka badbaaday shilka.

Laba qof ayaa ku dhintay shilkan oo ka dhacay goob lagu magacaabo Rutor glacier oo aan ka fogayn magaalada Aosta oo dhacda waqooyi galbeed dalka talyaaniga una dhaw xadka uu talyaanigu la wadaago wadamada faransiiska iyo switzerland

Wali si rasmi ah looma faahfaahin sababta shilkan, iyadoo aan la ogayn tiro sugan oo sheegaysa dadkii saarnaa diyaaradha burburay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga