Ugu yaraan 18 Askari oo Afganistaan ​​ah ayaa lagu dilay Maanta Galbeedka Afgaanistaan Kadib markii dagaalyahanada Taalibaan ay weerar ku qaadeen goob Lagu Hubiyo Gadiidka.

Dhanka kale, laba baabuur oo Qaraxyo Lagasoo Buuxiyay ayaa dilay Laba askari isla markaana ay ku dhaawacmeen daraasiin kale Saldhig ku yaalla gobolka Helmand

dagaalyahannada Taliban ayaa adeegsaday Bambooyin si ay u soo galaan saldhig ciidan oo ku yaal degmada Nad Ali Waxaana lagu Dilay laba askari dhacdada.

Qofka labaad ee ismiidaamiska ah ayaa lala beegsaday xarunta NDS Oo U dhow xarun bileys oo ku taal caasimadda gobolka. todoba qof ayaa la dhaawacay Weerarkaasi.

Sida laga soo xigtay wasaaradda warfaafinta weerarka ismiidaamiska ah ayaa ka dhacay degaanka Kabul ee Shash Darak,

agagaarka Weerarka lagu qaaday waxay ku dhow dahay xarunta NATO, kamana fogayn safaaradda Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in lix qof oo kale ay ku dhaawacmeen, laba ka mid ahna ay xaaladdoodu halis ku jirto.

Ciidamada Afqanistaan ​​iyo ciidamada isbahaysiga ee Maraykanka Ee NATO ayaa sii wada  dagaalada ay kula jiraan Taliban si ay u Xoreeyaan dalka, laakiin xaaladda ammaanka ayaa sii xumaatay.

Bishii Janaayo 21-keedii, ayay Taalibaan si wadajir ah u hareeraysay Hotel-ka Intercontinental Hotel ee Kabul Ku yaala waxaana ku dhintay 20 qof.

Dhowr maalmood ka dib 24-kii January, dagaalyahanada ISIS ayaa dilay saddex qof oo ka tirsan xafiiska badbaadinta carruurta, oo ku yaal magaalada bariga Jalalabad.

Sidoo-kale Bishii Jannaayo 27-keedii,Talibanka ayaa waday ambulance lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa Kasoo ku qarxay badhtamaha Kabul, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 103 qof waxaana ku dhaawacmay ilaa 235 qof.hadana Maalin kadib, 11 askari ayaa la dilay markii rag hubeeysan ay weerar ku qaadeen Akadeemiyadda militariga,Ee Kabul.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku kordhiyay 3,000 oo askari Ciidamada Maraykan Ee Ku Sugan Afgaanistaan, iyadoo tirada guud ee askarta Maraykanka Ee Ku sugan Afqaanistaan ay gaadhayso ​​ilaa 14,000.

Laakiin weerarradii ugu dambeeyay ayaa waxay soo saareen su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda madaxwaynaha maraykanka ee ku guulaysashada dagaalka Afgaanistaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga