Maanta ayaa la filayaa in la doorto madaxwaynaha maamul-goboleedka Jubbaland, xarunta
maamulka ee magaalada Kismaayo ayaa la filayaa in lagu doorto madaxwaynaha cusub, iyadoo ay doorashadan u tartamayaan afar murashax oo uu kamid yahay madaxwaynaha imika ee Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ‘’Axmed Madoobe’’

Axmed Madoobe, ayaa waxaa kula tartami doona, murashaxiinta kala ah, Maxamuud Muxumed Cumar oo ‘’Kuulow’’ layidhaa, Maxamed Cumar Geeddi iyo Canab Maxmed Daahir.

Ammaanka magaalada Kismaayo, ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciimdamo badan oo
nabadgeliyada magaalada sugana meel walba lagu daadiyay, guud ahaan waxaa la xakameeyay isku socodka dadka gaar ahaan gaadiidka, halkaasoo ay socoto qaban qaabadii ugu dambaysay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga