Hogaamoiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa daawanayay tijaabada gantaalo kale uu wdaankiisu ganay, sida ay ku warantay warbaahinta dawladda ee dalkan ku yaala bariga fog ee qaarada asia.

Gantaalada ayaa ahaa kuwa ridada dhexe, sida ay mar kale ku warantay warbaahinta w.kuuriya.

Kim john un ayaa amray in la tijaabiyo gantaaladan, lana xoojiyo awooda difaaca ee kuuriyadda Waqooyi, sida lagu sheegay war kasoo baxay dawladda.

Hogaamiyaha kuuryada waqooyi, kim wuxuu ciidanka dalkiisa u sheegay in dhabaha kaliya ee ay ku gaadhi karaan nabad sugan, lagana leexanayaa ay tahay quwad xoogan oo ay samaystaan.

Madaxweynaha Maraykenka Donald trump, ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray in uu ku kalsoonyahay in aanu hogaamiye kim john un carqaldayn doonin dhabaha uu xidhiidh wanagsani ku dhexmarayo labad wadan.

Fariinta trump oo is-dhul-dhig ka muuqatay ayuu intaa ku daray in kim uu ogyahay in uu la jiro trump, isla markaana uu ka taliyo dhaqaalaha dalkiisa. Oo uu ula jeedo cunqabtynta saaran, oo in laga qaado uu Maraykenku ku xidhay in ay kuuriyadda waqooyi baabiiso xarumaheeda nukliyeerka.

Tijaabda gantaladan ayaa imanaysa xili uu soo xumaanayo xidhiidhka u dheexeeya xukuumadaha pyongyang iyo washington. Dalka Maraykenka ayaa gantaalada kuuriyada waqooyi iyo barnaamijkeeda nukliyeerka u arka in uu halis ku yahay ammanka maraykenka.

Madaxweynayaasha labada wadan ayaa bishii feb ku kala kacay shirmadaxeed ka dhacay magaalda hanoi ee dalka vietnam, iyagoo isku afgaranwaayay ajandayasha ay kala wateen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga