Cabitaanka sigaarka ayaa la ogaaday in uu wax yeelo soo Gaadhsiiyo caafimaadka indhaha.

Xog-ururin laga sameeyay dalka ingiriiska ayaa lagu ogaaday in malaayiin ka mid ah shacabka dalkaasi, ay khatar galinayaan caafimaadkooda araga, hadii ay sii wadaan cabitaanka sigaarka.

Xog ururinta ayaa heshay in shantii qof ee sigaarka caba uu mid ka mid ahi qaadi karo xanuunada lagu indho-dareeyo ama mustaqbalka uu waayi kari aragiisa.

Waxa sidoo kale lagu ogaaday in dadka sigaarka cabaa in labinlaab uga khatar badan yihiin kuwa aan sigaarka cabin xanuunada ku dhaca indhaha.

Sigaarka ayay ku jiraan walxo sun ahi. Kuwaas oo xasaasiyad ku kicinaya indhaha.

Tusaale ahaan, bu’da isha waxa ku ururaya walxaha biraha ah ee lead iyo copper. Kuwaas oo aakhirka qiiq ama caad ku dul samaynaya bu’da isha.

Sigaarka ayaa sidoo kale xumayn kara caafimaadka indhaha ee dadka macaanka qaba. Isagoo dhaawacaya xidida dhiigga qaada ee qaybaha danbe ee insha.

Cabitaanka sigaarka ayaa marar badan oo hore la xaqiijiyay in uu halis ku yahay caafimaadka sanbabada, balse markan waxa soo badanaya diraasadaha caafimad ee lagu ogaanayo, in sigaarku uu maraar badan khatar ku yahay caafimaadka guud ee qofka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga