Dawladda soomaaliya ayaa bishiii december heshiis la gashay shirkadda loo yaqaano china overseas fisheries association, iyadoo 31 markab u fasaxday in ay ka kaluumaystaan biyaha soomaaliya. Tan iyo markaaas waxa sii kordhaysa walaaca laga qabo natiijada ka dhalankarta heshiiskan iyo suuragalnimada in maraakiibtani ay dhaawacdo kaluunka badda soomaaliya.

Maraaakiibtaas ayaa la siiyay ogolaanshaha in ay gurtaan nooca kalluunka ee loo yaqaano tunaha, balse dawladda curdinka ah ee soomaaliya ayaan awood u lahayn in ay shirkadda ku ilaaliso inta ay u fasaxday.

Wasiirka kaluumaysiga soomaaliya oo difaacayay heshiiskan ayaa sheegay in ay leeyihiin xafiis la socda dhaqdhaqaaqa marakiibtan, balse taasi uma muuqato in ay xakamaynkarto kallumaysiga maraakiibtan ee badda soomaaliya oo ku fadhida masaafo dhan 3025km.

Badda soomaaliya waxa ku jira noocyo kala duwan oo kallunka tunaha ah, oo ay ka mid yihiin yellowfin, longtail, iyo bigeye tuna.

Waxa sidoo kale laga helaa noocyada kaluunka ee kala ah, swordfish, albacore, sharks, rays iyo chimaeras.

Inkasta oo maraakiibtaas loo ogolyahay nooca tunaha oo qudha, hadana ma jirto cid damaanad qaadaysa in aanay guran noocyada kale ee kallunka ah ee ku jira badda wadankan haysta xeebta ugu dheer qaarada afrika.

Tusaale ahaan, maraakiibta kalluuumaysiga shiinah ee ka shaqeeya wadmada galbeedka afrika ayaa lagu eedeeyaa in ay sameeyaan hawlagallo qarsoodi ah oo aan waafaqsanayn heshiiska ay la galeen dawladuhu, waxa sidoo kale lagu edeeyaa in ay halis galiyaan nolosha dadka kaluumaysatada ah ee ku tiirsan ganacsiga kalluunka.

Qormo horaantii sanadkii tagay lagu daabacay wakaalada wararka ee rueters ayaa lagu sheegay in maraakiibta wax xaalufisa ee shiinuhu ay yihiin kuwa ugu dheereeya uguna kalluumaysiga badan caalamka, iyagoo si sharci darro ah uga kalluumaysta meelo badan oo kamid ah biyaha qaarada afrika.

Heshiiska ayaanay ku jirin xaddi go’an oo kallun ah oo marakiibtani ay qaadan karto taas oo kor usii qaadaysa cabsida laga qabo in maraakiibtaasi ay xaalufiyaan badda waddankan khayraadka badan leh.

Wasiirka kaluumaysiga soomaaliya oo mar wax laga waydiiyay arintan, ayaa sheegay in maraakiibta wax xaalufisa aanay u fasixin kalluumaysiga, balse dad badan ayaa shaki galinaya awoodda ama heerka ay wasaaradu jaangoyn karto nooca maraakiibta ee ay shirkaddu isticmaalayso, maadaama aanay war ka haynin 100laalka maraakiibta ah ee sida sharcidaradda ah uga kalluumaysta biyaha dalkan ku yaala geeska afrika.

Dawladda soomaaliya ayaa rejaynaysa in heshiiskaasi uu qayb ka geysandoono koboca dhaqaalaha soomaaliya, iyo horumarinta waaxda kalluumaysiga.

dawladda ayaa maraakiibta u fasaxday in ay hal sanno ka kaluumaystaan badda iyadoo ay qorshaha ku jirto in hal sanno oo dheeri ah loogu dari karo.

Budhacad badeeda somalia ayaa ka dhalatay kaluumaysiga sharci darada ah ee maraakiibta shisheeye. Kaluumaysatada yaryar ee soomaaliya ayaa ka cabata maraakiibta waawayn ee super trawlers-ka loo yaqaano oo xaalufiya kaluunka biyaha somalia, taasina waa sababta keentay in kaluumaysato badani ay isubadalaan budhcadbadeed qafaasha maraakiibta ganacsiga kana dalbada Madaxfurasho.

Waxa sii kordhaysa cabsida laga qabo in budhcad badeeda soomaaliya ay soo laabato hadii maraakiibta shiinuhu ay kaluumaysi kabilaabaan biyaha soomaaliya, inkasta oo aanay dawladda soomaaliya u ogolayn shirkadda ay heshiiska la gashay in ay ka kaluumaystaan aagaga u dhaw xeebaha oo qiyaas ahaan ay u jaangooyeen 44km.

Dawlada soomaaliya ayaa u ogolaatay in maraakiibtani ay kaxaysankaraan ciidan iyo hub, si looga hortago weerarada budhcadbadeeda.

Hay’adda khataraha ee loo yaqaano control risks oo fadhigeedu yahay dalka ingiriiska ayaa iyadoo saadaalinaysa suurtagalnimada in budhcad badeedii soomaaliya ay soo laabato waxay sheegtay in sanadkii 2017kii ay diwaangaliyeen 17 dhacdo oo isugu jiray maraaakiib la dhacay iyo kuwo la afduubay.

Soomaaliya oo tobanaan sanno ay colaado iyo deganaansho la’aani ka jirtay ayaan mudadaas  helin dawlad dhexe oo awood badan, taas oo maraakiibta sharcidaradda ah ee dunida u saamaxday in sidii ay doonaan uga kalluumaystaan biyaha soomaaliya.

Qormo lagu daabacay jariirada todobaadlaha ah ee time megazine ayaa lagu sheegay in Boqolaal million oo Dollar ay sanad walba ka faa’iidaan maraakiibtaasi.

Somaliland oo 28-sanno kahor ku dhawaaqday in ay ka go’day soomaaliya inteeda kale ayuu saamaynayaa heshiiskani,  Biyaha somaliland ayaa ku jira biyaha soomaaliya ee shikadda loo fasaxay in ay ka hawlgasho.

Dawladda somaliland ayaa marar kala duwan kasoo horjeedsatay heshiiskaas waxaanay sheegtay in ay leedahay ciidan badeed oo ku filan ilaalinta xuduud badeedkeeda, arintaas oo aanay dawladda soomaaliya ka hadal sida ay xal ugu raadinayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga