Madaxweynaha Dalka Maraykanka Ayaa Booqday Waqooyiga Gobolka California Si uu usoo Indha-Indheeyo Dab Lagu Sheegay Kii ugu Dhimashada iyo Khasaaraha Badnaa Taariikhda California.

Inkabadan 76 Qof ayaa ku dhintay dabka Halka dad Kor u dhaafaya 1200 la la’yahay. dadka guryahooda ka Qaxay ayaa sidoo Kale Gaadhaya Ilaa 50-kun oo Ruux 63 Kamid ah dad dhintay ayay Saraakiishu Xaqiijiyeen Haybtooda Halka Inta Kalana Wali La Baadhayo.

Isagoo Ku Sugan Magaalada Burburtay Ee Paradise Ayuu Trump Mashaqadan Ku Tilmaamay “Arin Murugo Leh” isagoo sabab uga dhigay dabka in Si aan Wanaagsanayn Loo Maamulay Arimaha Kaymaha.”Waa Inaan Samayno Maarayn Joogto Ah, Waana Inaan La Shaqayno Kooxaha Deegaanka Ka Shaqeeya, Waligeen Kumaynaaan Arag California Dab Sidan Oo Kale Ah” Ayuu Yidhi Madaxweyne Trump Oo Ku Sugnaa Paradise Oo Ay Deganaayeen Dad Gadhaya 26k oo Qof.”uma Malaynayo Inuu Mar Danbe Dhici Doono Dab Baaxaddan Leh” Ayuu Sii Raaciyay Hadalkiisa.

Khubarada Ayaa Sheegaysa In Dabka Baaxaddan Leh Ay Dhaliyeen Cimilada Isbadalaysa Iyo Wasakhawga Hawada.

Boqolaal Kamid Ah Shaqaalha Gargaarka Ayaa La Tacaalaya Xaaladdan Cakiran Iyagoo Baadhaya Dadka La La’Yahay, Maalintii Sabtida Ayaa Shan Qof Lagasoo Badbaadiyay Magaalada Uu Dabku Babiiyay Ee Paradise. Ciidamada Ammaanka Ayaa Sidoo Kale Caawinaya Shaqaalaha Badbaadinta. Dabkan Ayaa Burburiyay In Kabadan 10-Kun
oo Guri Halka uu Saameeyay Dhul Cabirkiisu Dhanyahay 603-km

“Wax Badan Ayaa Madaxayga Ka Guuxaya, Waxaan Ka Fikiraynaa Xagaan Tagi Lahayn Iyo Waxaanu Qaban lahayn” ayay Tidhi Amy oo Ka Mid ah dadka Hantidoodu Burburtay.

Madaxweyne Trump ayaa iska Indhatiray in Cimilada ay Sabab u Tahay Dabkan soo Noqnoqonaya; isagoo Ballan Qaaday 500-Milyan oo wax Lagaga Qabanayo Kaymaha oo uu Sheegay in aan si Wanaagsan Loo Maamulin.

Dabka Ka Kaca Kaymaha ayaa Sanadkasta Inta Badan Ka Dhaca Gobolada Kaymo-Layda ah ee Dalka Maraykanka iyadoo ay Gaystaan Khasaare Naf Iyo Maalba Leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga