Mudaharaadyo rabshadao wata ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, waxaana ay isku hor imaadyo dhex mareen dad mudaharaadayay iyo ciidamada dawladda.

Magaalada Ceerigaabo, hal qof ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay ,laakiin lama sheegin khasaare intaas ka badan.

Magaalada Burco duhurnimadii maanta waxa ka dhacay mudaharaad , waxaana la arkayey dad taayirada baabuurta ku gubaya wadooyinka waaweyn qaarkood .

Mudaharaadyada ayaa la sheegayaa in ay xidhiidh la leeyihiin dagaal maanta meel 40 KM bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ku dhex maray ciidamada Milatariga Somaliland iyo jabhadaha uu hogaamiyo Kornayl Siciid Cawil Caare oo sannadkii hore ka goostay ciidamada Somaliland

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga