Maxkamad ku taala dalka kenya ayaa sheegtay in saddex nin ay ku heshay danbi la xidhiidha in ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday jaamacadda magaalada garisa, ee sanadkii 2015kii, halkaas oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 148 qof oo arday u badnaa.

Ragga weerarka lala xidhiidhinayo ayaa wajahaya xabsi daa’in, iyadoo ugu danbeyn maxkamadayntooduna dhici doonta 3-da bisha july ee inagusoo foolka leh.

Saddexda nin laba waa soomaali halka midka kalana uu kasoo jeedo dalka tanzania.
Waxa la kala yidhaahdaa moh ali abikar, hassan aden hassan iyo rashid charles.

Xaakimka maxkamadda oo ku taala magaalada caasimadda ah ee nairobi ayaa xusay in ragani ay hore uga tirsanaayeen uruka alshabab ee ka dagaalama qaybo ka mid ah dalka somalia. Weerarona ka fuliya gudaha dalka kenya.

Xaakimka oo lagu magacaabo Francis Andayi wuxuu intaa ku daray in ay hayaan caddaymo muuujinaya in ragani ay qayb ahaan fududeeyeen habkii uu u dhacay weerarkaas jaamacadda ee galaaftay nolosha tobanaanka arday.

Dad badan oo kenyan ah ayaa u dheg taagayay natiijada kiiska raggan. Oo noqonaya xukunkii koobaad ee lagu rido dad lagu eedaynayo weerarkaas.

2-da bishii april ee sanadkii 2015kii ayay afar nin oo hubaysan kana tirsanaa ururka alshabab gudaha u galeen jaamacadda magaalada garisa ee gobolka waqooyi galbeed kenya. Halkaas oo ay rasaas ku fureen hool ay isugu yimaadeen ardayda jaamacadda oo qaybo la seexdana ku lahaa gudaha jaamacadda.

Weerarkaas waxa lagu tilmaamaa kii labaad ee ugu dhomashada taariikhda kenya. Waxaana ka dhimasho badnaa oo kaliya kii alqacida ay ku qaaday safaaradda us ee magaalada nairobi, sanadkii 1998kii. Markaas oo weerarka lagu dilay 213 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga