Madaxweyne Uhuru Kenyatta , ayaa  dalalka shisheeye ka wada dadaal uu doonayo in uu ku sugo sidii ay Kenya  kursi ugu heli lahayd golaha ammaanka Qaramada Midoobay , si ay taageero ugu hesho  xiisada ka dhaxaysa Soomaaliya oo cirka isku sii shareeraysa

 Saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay  Madaxweynuhu, waxa uu dalka gudihhiisa dibediisaba kula kulmay 18 qof  oo isugu jiray Madaxweynayaal iyo wakiilo.

 Dadka la socda miisaaniyada Madaxtooyadu. Waxa  ay sheegeen in Mr Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto  ay kharash gareeyeen 190 milyan oo shallinka Kenya ah 2019 , halka marka la  barbardhigo 2018 ah ka ahayd 36.5 milyan , waxaana loo adeegsaday shaqooyinka dibeda  laga wado oo ah kuwo culus

Maalintii Sabtidii waxa  uu kula kulmay madaxda ku midoobay  ururka Bariga Caribean-ka magaalada Bridgetown  ee Jasiirada Barbados

 Waxa  la kulmay 10 Madaxweyne  oo ka socaday gobolka , isaga oo ka codsaday in ay taageeraan isku dayga Kenya ee in ay ka hesho kursi aan joogto ahayn  golaha ammaanka 2021 illaa 2022

 Hadal laga soo xigtay Madaxweyne Kenyatta  oo loo diray waaxda xidhiidhka isataraatajiyada  Madaxtooyada , ayaa ahaa in musharaxnimada ay sabab u tahya doorka  muhiimka ah ee golaha ammaanku ku leeyay nabada ammaanka caalamka

Waxa  uu dibeda kula kulmi doonaa hogaamiyayaasha  dalalka Ruushka , Shiinaha iyo Mareykanka .

Golaha ammaanka  ayaa ah hay’adda ugu awood badan  Qaramada Midoobay , waxa uu ka kooban yahay 15 xubnood 5 ka mida   ayaa leh awooda diidmada qeexan ee VETO , waxa ay ku hor joogsan karaan  xataa cuno qabatayn dawladdi soo rogtay haddii loo arko in ay helis ku tahya nabada aduunka .

Dadaalka Kenya waxa khatar gelin kara  muranka dhanka badda ee u dhexeeya Soomaaliya  oo dacwdiisu hor taalla ICJ , Baarlamaanka Kenya  ayaa wado qorshe la doonayo in ay Kenya ciidamo ugu dirto  biyaha lagu muransan yahay

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga