Kooxda Atletico Madrid ayaa lasoo wareegtay weeraryahanka kooxda AC Milan Nikola Kalinic iyo xulka Croatia Nikola Calinic.

Kalinic oo ah 30 jir ayaa saxiixay heshiis saddex sano ah. Lama oga inta ay la egtahay lacagta ay Atletico Madrid ku gadatay Kalinic, balse warbaahinta Talyaaniga ayaa ku warramay in Milan ay ku heshay gooldhaliyahan 15 milyan oo euro.

Kalinic ayaa Milan kaga soo biiray kooxda Fiorentina hal xilli ciyaareed ka hor, balse wuxuu ku guuldareystay inuu qabto shaqadi laga rabay ee gooldhalinta.Lix gool oo qudha ayuu dhaliyay 41 kulan oo uu saftay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga