Masuuliyiin ka kala socotay xisbiyada Dimuqradiga iyo jamhuuriga ee Dalka Maraykenka ayaa is afgarad ka gaadhay arimaha Ammaanka Xuduudaha iyo Raageerida Dawladda Dhexe si looga Hor Tago in mar kale la xidho Qaybo ka mid ah Dawladda.

Heshiiska ay Gaadheen Masuuliyiinta labada xisbi ee Xifaaltanka adagi ka Dhexeeyo ayaa la sheegay in ay ku jirto lacagta uu dalbaday madaxweyne Trump si uu ugu maaalgaliyo Darbiga uu ka Dhisayo Xadka Wadamda Maraykenka iyo Miksiko, inkasta oo aanu heshiisku xusin darbi agad oo laga dhiso xadka.

Hesiiska ayaa u baahan in ay meelmariyaan Aqalka Hoose ee Baarlamanka iyo Madaxweynuhu, si uu u dhaqan Galo.

Madaxweyne Trump oo is Afgaradka kadib hadlay wuxuu xusay in wax kasta oo ay ku qaadanyso uu dhabayn doono Baalnqaadkiisii uu ku galay Doorashada, isla markaana uu Gidaar adag ku kal xidhi doono dalkiisa iyo dalka miksiko si uu u Hakiyo Qulqulka muhaajiriinta tirada badan ee gala Gudaha Maraykenka.

Aqalka hoose ee Baarlamaanka Maraykenka Loona yaqaano Congreska ayaa diiday Lacag ku Dhaw Lix Milyan oo Dollar oo uu Trump ku Daraayay Miisaaniyadda si uu ugu maalgaliyo Darbiga. Koongareska.

Waxa imika maamula xisbiga Dimuqraadiga oo ay iskasoo hor jeedaan madaxweyne Trump, waxayna awood u leeyihiin in ay maamulaan Lacagaha ay u baahan Tahay Dawladda Dhexe.

Lacagta imika Lasii Dayn Doono maamulka Trump waxa ka mid ah lacag ka badan 1BLN oo Dollar Kaas oo lagu Dhisi Doono Darbi yar oo masaafo ahaan Gaadhaya 88KM, Balse Trump ayaan ku niyad Samayn Arintan oo doonaya in uu dhiso darbi masaafo ahaan dhan  321-KM. Wali lama oga in uu saxeexi doono heshiiskan iyo in kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga