Dawladda jabuuti ayaa soo dhawaysay in cunaqabataynta laga qaado waddanka ay jaarka yihiin ee Eritrea oo muddo dheer ay xiisad colaadeed dhextaalay.

Bayaan uu soo saaray Ergayga jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay maxamed siciid ducaale ayay jabuuti ku xustay in ay soo dhawaynayso laalida cunaqabataynta, oo ay sanado badan u ololaynaysay inaan laga qaadin Eritrea.

“Jabuuti waxay soo dhawaynaysaa in cunaqabataynta hubka, tan hantida iyo xanibaada socdaalka laga qaado Eritrea,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

“Sida uu goluhu ogyahay; ujeedada jabuuti waa in xal waara oo nabadgalyo loo helo arimaha xuduudka iyada oo loo eegayo shuruucda caalamiga ah,” ayay jabuuti ku tidhi bayaanka.

Gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabataynta ka qaaday dalkan ku yaala geeska afrika maalintii shalay, iyadoo ay ka shaqeeyeen wadamada somalia iyo ethiopia, oo si wada jira golaha uga codsaday inuu laalo cunaqabataynta, oo saarnayd muddo 9-sanno ah, kadib markii Eritrea lagu eedeeyay inay taageerto ururka ka dagaalama dalka somalia ee alshabab isla markaana ay dagaalo la gashay waddanka ay ka go’day ee ethiopia.

Sanadkii 2008 ayay jabouti iyo Eritrea uu dagaal ku dhexmaray xadka u dhaxeeya, kadib markay jabuuti ku eedaysay Eritrea inay soo gashay dhulkeeda.

Qaraarka lagu laalay cunaqabataynta ayay golaha ammanku kusoo jeediyeen inay jabouti iyo Eritrea ay Wada xaajood ku dhamaystaan muranka dhexyaala.

Warkan kasoo baxay jabouti ayaa la saadaalinayaa inuu xoojiyo iskaashiga ammanka iyo ganacsiga ee wadmada gobolka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga