Maxaa isku soo beegay booqashada madaxwayne Farmaajo ee Jabbuuti iyo
safarkii ay wasiirka arrimaha dibadda Kenya ku tagtay Jabuuti?

Madaxwaynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa
booqasho kutagay caasimadda dalka Jabbuuti ee Jabbuuti, madaxwaynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa gegida diyaaradaha kaga hortegay, raysal-wasaaraha dalka Jabbuuti, mudane
Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, wasiirka arrimaha dibadda Jabbuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin sar sare oo katirsan xukuumadda jabbuuti.

Booqashada madaxwaynaha Soomaaliya ee dalka Jabbuuti, ayaa kusoo beegmaysa kadib markii ay dalka Jabbuuti booqasho kutgatay wasiirka arrimaha dibadda Kenya gabadha layidhaa Monica Juma, taasoo la kulanlatay madaxda dalka Jabbuuti.

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa isku haya soohdinta dhanka biyaha u dhexeeya labada dal, dadka siyaasadda kafaallooda, ayaa sheegaya in booqashooyinka madaxda dalalka Soomaaliya

iyo Kenya ka dambeeyaan kala jiidashada dawladaha dunida iyo kuwa gobolka gaar ahaan.
Balse madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay meeshana ka saartay in safarka madaxwayne
Farmaajo uu daba socdo amaba xidhiidh la leeyahay kii wasiirka arrimaha debedda Kenya Ms.

Juma, agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa warbaahinta u sheegay inay booqashadani tahay mid u gaar ah Soomaaliya iyo Jabbuuti isagoo xusay inaanay Soomaaliya khusayn booqashada wufuudi kutimaad Jabbuuti.

Axmed Maxamuud Yuusuf, SAABTV, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga