Xukuumadda Dalka Itoobiya Ayaa Sheegtay In Ay Sii Deyn Doonto In Ka Badan 304 Maxaabiis, Oo Ay Ku Jiraan 289 Maxbuus Kuwaas Oo Lagu Helay Dambiyo Ah “Argagixisanimo”, Sida Lagu Sheegay War Saxaafadeed Kasoo Baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Xukuumadda Dalka Itoopiya.

Hawlgalkan Ayaa Wuxuu Qayb Ka Yahay Qorshe Ay Ku Dhawaaqday Xukuumadda Cusub, Ka Dib Rabshado Ka Taagnaa Dalka Saddexdii Sano Ee Ugu Danbeeyay.

Xiligaas Dibad-Baxyada Ayaa Si Deg-Deg Ah Ugu Faafayey Qeybaha Kale Ee Dalka, Iyada Oo Dibad-Baxayaashu Dalbanayaan Xorriyad Siyaasadeed Iyo Sinnaan,

Maxaabiista Lasiidaayay Jimcihii Waxaa Ku Jiray Saddex Maxbuus Oo U Dhashay Dalka Kenya, Ka Dib Heshiis Labada Dal Dhexmaray, Kaas Oo Ku Saabsanaa Si Loo Xoojiyo Xidhiidhka Labada Dal, Sida Lagu Sheegay War Saxaafadeed Ay Soo Saartay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Xukuumadda Dalka Itoobiya.

In Ka Badan 1,000 Maxaabuus Ayaa La Sii Daayay Tan Iyo Markii Uu Ra’Iisul-Wasaare Abiy Axmed Yimid Xafiiska Bishii Abril 2018-ka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga