Calanka ka kooban midabada cagaarka , buluuga iyo casaanka Siidaamo, ayaa laga taagay dhismayaasha dawladda magaalo ku taalla Koonfurta Itoobiya , halkaasi uu gobolkaasi qarka u saaran yahay in uu gooni u gootso

Siidaamo waxa ay sheegeen in ay iskood ugu dhawaaqi doonaan maamul federal ah toddobaadkan , dadka siyaasada falan qeeya ayaa sheegay in tallaabadani ay sii holcin doonto xasaradaha siyaasadeed ee ka oogan Itoobiya oo ay horseedi doonto dhiig daata

Magaalada Hawaassa ayaa caasimad u nooqn doonta dawladda la qorsheeyay dad saaran dhug-dhugleyo ayaa yeedhiyenayay dhawaaqa gaadiidka , iyada oo rag dhalinyaro ahi ay yaacayaan jidadka ,kuwaasoo lulaya calamo , waxa ay heeso u dhaqaadayaan dhawaaqa la saadaalinayo

Itoobiya ayaa hadda u qaybsan ismaamul goboleedyo, waxaana uu dastuurku farayaa dawladda in ay abaabusho afti qawmiyadii doonaysa in ay samayso maamul cusub .

Siidaamo ayaa sannado laga cabsi qabay in ay ka baxaan deegaaanka shucuubta qawmiyadaha Koonfureed oo ay ku nool dadyow kala duwani oo ay qayb ka yihiin, hadda ayey doonayaan in ay sameeyaan maamul u gaar ah .

Riyada in helay wakhti cusub ayaa timi markii uu xukunka qabtay Abiy Axmed oo uu ballan qaaday isbadelo

Dawladda ayaa kaga jawaabtay codsiga in aanay awoodayn afti la qabto , sida uu dastuurku qabana la qabto codbixin , wakhti la qabtay ee ugu dambeys ahaa ku eekaa maalintii Salaasadii

Dukale Lamiso oo ah hogaamiyaha dhaq dhaqaaqa xoreynta Siidaamo ayaa u sheegay wakaalada wararka APF in haddii ay dawladdu ay taageeri weydo go’aankii Salaasadii ay ku dhawaaqi doonaan is maamul

Abiy waxa uu sheegay bishii hore sharci dejiyaasha haddii lagu dhawaaqo go’aan hal dhinac ah in ay dawladdu ku khasbantay faro gelin ay samayso

Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha ICG ayaa ka digtay in dawladda federal-ku aanay haysan kala doorasho wanaagsan , iyada oo in laga hor tago samaynta is maamul ay rabshado kicin doonto , waxa kale iska hor iman doona dadka laga tirada badanyey ee ku wada nool gobolka

Gooni u goosadka ayaa horseeday rabshado dhexmaray qawmiyadaha Siidaamo iyo Wolayto 2018.

War-murtiyeed uu soo saaray habeenkii Isniintii xisbiga dimuqraadiga dadka Koonfurta Itoobiya oo qayb ka ah isbahaysiga dhexe ee dalka maamula , ayaa lagu sheegay in lagu guulldarestay in cadeeyo waxa la yeelayo haddii dawladdu aanay waxba qorshaysan ka hor Salaalasadii

Dhulka loo yaqaan Siidaamo ayaa ku fadhiya 10,000 KM , waxaana lagu qiyaasaa bedka wadanka Lubnaan

Tirokoob la sameeyay I2007, ayaa lagu ogaaday in tira dalka si xawli ah u kobcayso , waxaana gobolka ku nool saddex milyan oo qof oo ka mida 100 milyan ee ku wadanka oo dhan.

Abiy Axmed ayaa wejahay xaaladdii siyaasadeed ee ugu xumeyd intii uu xilka hayey bishii hore markii la dilay masuuliyiin muhiim ahaa oo ay ka mid ahaayeen taliyihii guud ee ciidamada iyo Madaxweynihii gobolka Axmaarada .

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga