Ra’iisal Wasaaraha dalka itoobiya abiy ahmed ayaa la kulmay Madaxwaynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geele.

Labada masuul ayaa ka Wadda Hadlay Sidii Loo Xoojin Lahaa Xidhiidhka u dhexeeya Labadan Waddan oo ku yaala Geeska afrika.

Shir jaraa’id oo wasiirada arimaha dibadda ee labada dal Wadda qabteen kulanka kadib ayay ku xuseen in ay kawada shaqaynayaan, iskaashiga u dhaxeeya Jabuuti iyo itoobiya.

Wasiirka Arimaha dibadda itoobiya Dr Workeneh ayaa Tibaaxay in itoobiya ay diyaar
u tahay inay door muuqda ka qaadato xalinta muranka u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea oo muddo dheer ay xiisad colaadeed oo salka ku haysa muran xuduudka ah dhextaalay, iyagoo sanadkii 2008-dii uu dagaal dhexmaray labadan dawladood.

Labadda dal ayaa bishii sebtember isla qaatay inay khilaafkooda ku dhameeyaan wada xaajood.

Madaxweyne geelle iyo Ra’iisal Wasaare abiy ahmed ayaa dhanka kale is lasoo Hadal qaaday cunaqabataynta hubka ee laga qaaday dalka Eritrea oo ay labada dawladoodba soo dhaweeyeen.

Gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishan gudaheeda ka qaaday Eritrea
Cunaqabatayntii hubka oo saarnayd muddo 9 sanno ah, kadib markii lagu eedeeyay inay taaageerto ururka alshabab oo dagaal hubaysan ka wada gudaha dalka somalia.

Masuuliyiintu waxay isla qaateen baahida loo qabo iskaashi dhexmara dawladaha gobolka, iyada oo dhawaan ay heshiis saddex geesood ah wadamada Eritrea, itoobiya iyo Somalia ay ku saxeexeen dalka itoobiya.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare abiy ahmed ayaa dedaal ugu jirta sidii ay isugusoo dhawaan Lahaayeen dawladaha gobolka ee ay xiisada colaadeed dhextaalo, iyada oo hormuud u ahayd in lasoo afjaro colaadii u dhaxaysay iyoobiya iyo Eritrea.

Dawladaha Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda inay sii xoojinayaan isakaashiga ammaanka iyo ganacsiga ee u dhexeeeya iyadoo Qaramada Midoobay ku bogaadisay isbedelada ka socda gobolka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga