isticmaalka tamarta quudinta asaasiga ah ayaa kor u kacday boqolkiiba 2.9% sanadkii la soo dhaafay, isla markaana wuxuu gaadhsiiyey 13.8 bilyan oo tan shidaalkii Dunida Lagasoo Saaray, taasoo ku dhowaad laba jibaareysa 10 sano oo celcelis ahaan, tan iyo Sanadkii 2010-kii, Sida lagu Sheegay Warbixin Dhawaan La Daabacay.

Sida laga soo xigtay Qorshaha Dib-u-eegista Dakhliga ee Batroolka Adduunka ee Sanadka 2019-ka, dhammaan Ceelasha Shiidaalka ayaa kordhay celcelis ahaan 10kii sano ee Lasoo Dhaafay, marka laga reebo Kuwa dib-u-cusbooneysiinta lagu Sameeyay, inkasta oo Kuwa dib-u-cusbooneysiinta Lagu Sameeyay Laftigoodu ay Qayb Ka yihiin korodhka labaad ee ugu weyn ee koritaanka tamarta.

“Korodhka Shidaalka iyo koritaanka isticmaalka tamarta ayaa waxaa keenay gaaska dabiiciga ah,” Sida Lagu Xusay warbixinta.

Warbixinta ayaa Sidoo Kale Sheegtay in sicirka celceliska saliidda ee sanadlaha ah uu Kor u kacay $71.31-Centi halkii foosto.

Dalka Shiiinaha Isticmaalka saliidda ayaa kor u kacay celcelis ahaan 1.4 milyan oo foosto maalintii, Halka Dalka Maraykenkana ay (500,000 oo foosto uu kor u Kacay, Arintan ayaa Qayb Ka ahayd koritaanka Tamarta, ” Sida Markale Lagu Sheegay Warbixinta.

Intaa waxaa dheer, wax-soo-saarka saliidda adduunka oo kor u kacay 2.2 milyan Marka La Eego diiwaanka dal kastaa uu sanadkii soo Saaro.

Kaalinta tamarta dib loo cusboonaysiin karo waa mid ka mid ah ilaha lagu yareynayo saameynta kaarboonka caalamka.

Awoodda la cusboonaysiin karo ayaa korodhay 14.5%,Sida lagu sheegay warbixinta.

Soo saaridda korontada, dib Loo cusboonaysiiyey ayaa iyadana saddex-meelood meel Ka Saraysa korodhka koritaanka shabakadaha korontada Aduunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga