Ciidamada cirka ee sirael ayaa weeraro ku qaaday fadhiisimo ay leeyihiin ciidamda milatariga ee dalka suuriya, kuna yaala koonfurta. Weerarka ayaana dhacay aroortii hore ee axadda.

Ilaa saddex askari oo suuriyaan ah ayaa lagu Dilay weerarka halka todoba kalana lagu dhaawacay, sida ay ku warantay warbaahinta dawladda suuriya.

Milatariga israel ayaa qirtay in weerarkaas ay ku qaadeen gudaha dalka suuriya. Qoraalo is-xigxigay oo ay ku faafiyeen barta twitterka ayay ku sheegeen in weerarkoodu uu jawaab u ahaa gantaalo maalintii sabtidii lagasoo tuuray gudaha suuriya.

Mid ka mid ahgantaalada ayaa ku dhacay gudaha israel, balse wax khasaare ah muu gaysan.

Sarkaal u hadlay milatariga suuriya ayaa wakaalada wararka ee dawladda u sheegay, in ciidamada israel ay duqeeyeen xero milatari oo ku taala gobolka quneytara, ee dhaca koonfurta suuriya, una dhaw buuraha goland hoght ee israel ay ka haysato suuriya.

Milatariga israel aaa xusay in ay beegsanayeen hub lidka diyaaradaha ah, fadhiisimo sirdoon iyo unug ubka artilariga ah oo ay leedahay suuriya.

Ciidamada israel ayaa aalaaba weeraro ku qaada gudaha dalka suuriya. Israel ayaa sheegta in ay la dagaalamayso wax ay ugu yeedhay awoodd-fidinta ay dawladda iran ka wado gobolka. Iyadoo ciidamo ka socda dalka iran oo gacan siinaya maamulka madaxweyne bashar alasadna ay ku suganyhiin gudaha suuriya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga