Taliye Sare Oo Ka Tirsan Kooxda Xamaas Ee Ka Dagaalanta Dalka Falastiin Ayay Ciidamada Gaarka Ah Ee Israa’Iiliyiintu Ku Dileen Hawl-Gal ay ka fuliyeen xuduudka, Halkaas oo uu Ku Dhintay Hal Askari oo Israa’Iili Ahi.

Hawlgalka Oo Qarsoodi Ahaa Ayaa Sidoo Kale Lagu Dilay Todoba Qof Oo Falastiiniyiin Ah Iyadoo La Sheegay Inay Ciidamada Israa’Iiliyiintu Bar-Tilmaameed Sanayeen Taliyaha La Dilay, Iyadoo Hawl-Galka Ay Ka Qayb Ahaayeen Diyaarado Caawinayay Kamaandawsta Israa’Iiliyiinta.

Ciidamada Ayaa Gantaal La Beegsaday Goob Ay Maamulaan Xamaas Goor Danbe Oo Maalintii Axadda Ah, Balse Sarkaal Ka Tirsan Ururka Aan Awoodda Badan Haysan Ayaa Sheegay In Ciidamada Israa;Iiliyiintu Ay Galeen Deegaan Dhanka Koonfureed Kaga Dhaw Magaalada Khan Younis Oo Ay Ku Sugnaayeen Dad Rayid Ahi.

Nuur Baraka Oo Ahaa Taliyaha La Dilay Ayaa Si Wayn Looga Yaqaanay Deegaankaas.

Weerar Dhulka Ah Ayaan Inta Badan Ka Dhicin Marinka Qaza, Balse Wax Ay Israa’Iil Ku Sheegtay Hawl-Gal Ayaa U Muuqda Inuu Bilaabi Karo Isku-Dhacyo Hor Leh Oo Ka Bilaabma Marinka Qaza.

“Waanu Maqalnay In Ciidanka Gaarka Ah Ee Israa’Iiliyiintu Ay Galeen Khan Younis Isla Markaana Dileen Nuur Baraka,” Ayuu Yidhi Qaazi Hamad Oo Ah Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ururka Xamaas.

Intaa Ka Dib Gaadhigii Siday Cutubka Weerarka Gaystay Ayaa Isku Dayay Inuu Baxsado, Balse Waxay Iswajaheen Xoogaga Xamaas, Markaas Oo Israa’Iil ay Bilawday Duqaymo si ay Gaadhiga u Bedbaadiyaan” Ayuu Sii Raaciyay.

Dad Goob-Joog Ahaa Ayaa Sheegay In Intii Ay Is Rasaasayntu Socotay ay Ciidamada Cirka Israa’iil Ku Rideen Deegaanka ilaa 40 Gantaal Halkaas Oo Afar Qof Oo Dheeraad Ahi ay Ku Dhinteen.

Dhanka Kale Askari Israa’iili Ah Ayaa Ku Dhintay Is-Rasaasaynta “Intii uu Socday Hawl-Galkan Gaarka Ahi Waxa Dhacday is-Rasaasayn” Ayaa Lagu Yidhi Bayaan Kasoo Baxay Ciidanka Israa’iiliyiinta. Halkaas Waxa Ku Dhintay Askari Ka Tirsan Ciidanka IDF-Ta Halka Mid Kalana Lagu Dhaawacay, Ayaa La Sii Raaciyay Bayaankan Kasoo Baxay Ciidanka Israaa’iil.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iiliyiinta Benjaamiin Netanyaahu Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Jooga Magaalada Paris Ee Dalka Faransiiska Ayaa Sheegay In uu Dib ugu Laabanayo Dalka Si uu ula Tacaalo Xiisaddan Soo Korodhay.

Rabshadaha Ayaa Ku Soo Noq-noqonayay Xadka U Dhaxeeya Labada Maamul Tan Iyo 30-kii March Markaas oo ay Falastiiniyiintu Go’aansadeen Inay Todobaad Kasta Sameeyaan Dibadbaxyo ay Kagasoo Horjeedaan Haysashada Israa’iilyiinta Ee Dhulkooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga