Maamulka Israa’iil, ayaa Dadka Dega Xaafad Ka Mid Ah Magaalada Qudus Waxa Ay Ku Amreen In Ay Iyagu Dumiyaan Guryahooda, Si Halkaa Looga Dhiso Guryo Lagu Deegaamaynayo Dadka Yuhuudda Ah. Waxaana Lo Qabtay in ay Guryahooda Ku Dumiyaan Muddo Todobaad Ah, Oo Ku Beegan 1 Bisha Oktoobar.

Dawladda Hoose Ayaa Sheegtay In Ay Soo Dhawaynayso Dadka Doonaya In Ay Dhulkooda Iibiyaan, Ee Iskaga Tagaya Deegaankaasi. Laakiin Dadka Deegaanka Ayaa Hore U Diiday In Ay Iibiyaan Dhulkooda, Taasina Waa Ta Keentay In Ay Maamulka Israa’iil Uu Adeegsado Xoog Iyo Hanjabaado.

Maamulka Falastiin Ayaa Ka Digay In Israa’iil Ay Ku Dhiirato Duminta Guryahan, Taasi Oo Ka Hor Imanaysa Dadaalada Loogu Jiro Nabadda Iyo Xalka La Wado Ee Laba Dawladood Oo Jaar Ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga