Booliska Soomaaliya ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay uu waxyaabaha qarxa ku dhex qarxiyay xafiiska duqa magaalada Muqdisho xilli uu socday kulan amniga ku Saabsan.

Duqa Magaalada Muqdisho C / raxmaan Cumar Cusmaan ayaa qeyb ka ahaa shirkan ka dhacayey Xarunta Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, markii uu qaraxu  ka dhacayay.

Ma jiro war deg deg ah oo ku saabsan khasaaraha ka Dhashay Weerarka.

Ma cadda sida uu qofka is qarxiyay ay ugu suurtagashay inuu galo xafiiska duqa magaalada Muqdisho, iyadoo ay saraakiil Badan ka qeybgaleysay kulanka amniga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga