Dawladda ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan dalka somaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska arimaha dibada iyo barwaaqosooranka ee dalka UK.

Warka Kasoo baxay Dawladda ingiriiska ayaa lagu sheegay in somaliland ay ku jirto meelaha ay muwaadiniinteeda uga digayso, balse waxay ka reebeen magaalooyinka Hargaysa iyo berbera.

Ingiriisku wuxuu dhamaan muwaadiniintiisa ku sugan somalia ugu baaqay in ay ka baxaan, halka kuwa ku Sugan magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera loogu baaqay in ay feejignaan muujiyaan, isla markaana ay ka fogaadaan meelaha ay dadku ku badanyihiin.

Warbixinta ayaa xustay in argagixisada soomaliya ay mar walba weerar Qaadi karto, isla markaana ay si gaar ah u beegsadaan dadka reer galbeedka ah iyo dad kale ee u shaqeeya ururada reer galbeedka. Cabsida Afduubka ayay Sidoo kale warbixintu xustay in ay aad u sarayso.

Warbixinta ayaa si gaar ah u tilmaamysa weerarada argagixiso ee ka dhaca magaalada caasimadda ah ee Soomaaliya, balse waxay sidoo kale Hoosta ka xariiqday in argagixsadu ay wadaan qorshayaasha weeraro ka dhan ah dadka reer galbeedka ah ee ku sugan soomaaliya inteeda kale, sida somaliland.

Argagixisada Soomaaliya ayaa beegsanaysa goobaha ay madaxdu joogto iyo maqaaxiyaha ay ku badanyihiin dadka ajaanibta ahi, sida warbxinta lagu sheegay.

Badweynta Hindiya iyo gacanka cadan ayay dawladda ingiriisku sheegtay in ay ka jirto cabsi badan oo laga qabo weerarada budhcad badeeda, waxayna markale muwaadininteeda uga digtay in ay ka ag dhawaadaan kuna safraan badda.

Mar ay xaalda gudaha soomaaliya ka waramaysay, waxay dawladda ingirrisku sheegtay in cuno yaraani ay ka jirto gudaha soomaaliya, taas oo ka dhalatay Barakaca kumanaan soomaali ah oo qaar ay barakiciyeen daadad ku fatahay koonfurta soomaaliya halka kuwon kalena ay ku barakaceen duufaano ku dhuftay xeebaha somaliland. Waxay intaa ku dartay in 5.4 million soomaali ahi ay u baahnyihiin gargaar bini’aadanimo.

Ugu danbayn warbixinta ayaa muwaadiniinta ingiriiska ee ku sugan soomaaliya oo aanay ku jirin somaliland una baahan taageerada loogu sheegay in safaarada ingiriiska ee magaalada muqdisho aanay bixin wax adeeg ah, taa badalkeedana ay la xidhiidhaan safaarada ay ku leeyihiin magaalada nairobi ee dalka kenya.

Muwaadiniinta Biritishka ah ee jooga somaliland una baahan taageerada ingiriiska ayaa iyagana ay warbxintu xustay in ay la xidhiidhaan safarada ay ku leeyihiin magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga