Tirada muslimiinta caalamka ka timid ee ku sugan magaalada barakaysan ee Maka ayaa lagu qiyaasay 2 milyan oo qof si ay u gutaan waajibaadka xajka, waxaana maanta bilaabmay howsha gudashada acmaasha xajka

Dowladda sucuudiga ayaa  sheegtay inay wax kaqabanayso adeegyada loo fulinaya xujayda.

Soomaali badan ayaa kamid ah muslimiinta sannadkan xajaysa, Xaaji Kayse Axmed Digaale oo kamid ah Maamulka SAAB TV. kanamida Somaalida sanadkan Acmaasha Xajka Gudanaysa  ayaa sheegay in shirkado badan sannadkan ay xujayda kasoo qaadeen dalka Soomaaliya islamarkaas-na ay u fududaysay in la dejiyo meel u dhaw xaramka.

Xujayda caalamka qaarkood ayaa loo raraya ila Mina maadama qoraxda ay kulushahay, xujayda oo tiro badan iyo saxmad halkaasi ka jirta.

Xaajii Kayse Axmed Digaale ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Sucuudiga ay xujayda u diyaarisay adeegyada lagama maarmaanka ah oo ay kamid tahay biyaha, caafimaadka iyo gaadiidka.

Ammaanka xajka ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoona boolis badan la soo dhoobay waddooyinka magaalada Maka si ay ammaanka u sugaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga