Imran Khan ayaa loo dhaariyey inuu noqdo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Pakistan, kadib markii uu Ku guulaystay doorashadii bishii hore ka dhacday Dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Pakistan ayaa kasoo qayb galay xaflada  lagu dhaariyay. halkaas oo ay sidoo kale ay kasoo qayb galeen hoggaamiyasha  siyaasadda saraakiisha millatariga, iyo diblomaasiyiin caalami ah.

Imran Khan ayaa loo doortay inuu noqdo ra’iisul-wasaaraha jamhuuriyada  Pakistan, kaas  isaga oo ku dhawaaqay in uu dhalin doono la laxisaabtan dhab ah.

“Dalkaan, ka hor intaan wax kale la qabanin, waa in aan hubinnaa in xisaabtan la saaro,” ayuu yidhi imran Khan, oo hadal ka jeediyay xaflada caleema saarkiisa.

Khudbadiisa, ayaa uu ku sheegay in uu taageeri doono geeddi-socodka nabada . Waxaanu sidoo kale ballan-qaaday in uu xoojiyo xidhiidhka baarlamaanka, oo uu sheegay In uu ka qaybgalo ugu yaraan laba jeer bishii si uu uga jawaabo su’aalaha sharci-dajiyayaasha

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga