Saldhiga Milatari Ee Dawladda Imaaradka Carabtu Ka Samysanayso Somaliland Ayaa Shaqada Bilaabaya Bisha June Ee Sanadka Danbe Iyadoo Lagu Xidhayo Qalab Lagula Socon doono Xeebta Badda Cas, Sida ay Daabaceen Warbaahinta Qaar Oo Xogta Ka Helaya Diblamaasiyiin Ka agdhaw Wada-Hadalka.

Imaaraadka Carabta Ayaa Xoojinaya Joogitaankiisa Milatari Ee Geeska Africa Si Loo Ilaaliyo Ganacsiga Mara Baabulmandab, Oo Ah Marin Muhiim U Ah Maraakiibta Shidaalka Iyo Kuwa Shixnadaha Kalaba Qaada Ee Gaadha Marinka Suways.

Imaatinka Imaaraadka Ee Eritrea Iyo Somaliland Ayaa Siin Doona Goobo Istaraatiji Ah Isaga Oo Qayb Ka Ah, Dagaalka Sucuudigu Horkacayo Ee Ka Dhanka Ah Xuutiyiinta Yemen.

Qalabka Lagu Rakibayo Saldhigan Ayaa Lagu Ilaalin doonaa Saldhiga Oo Laga Dhisayo Magaalada Xeebta Waqooyi Dhacda Ee Berbera, Iyadoo Lagala Socon Doono Xuduudka Badda Oo Dhan 800km una Dhiganta 500mile Sida uu Sheegay Wakiilkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Imaaraadka Carabta Baashe Cawil.

Budhcad Badeeda Ayaa Maraakiibta Ka Afduubta Xeebaha Somaliland Oo uu ugu Danbeeyay Mid La Afduubay Bishii March Ee Sanadkii Hore.

Saldhiga Milatari Ee Imaaraadku Wuxuu Gobolka Oo Dhan, Gaar Ahaan Somaliland ka caawin doonaa Kaluumaysiga Sharcidarada Ah Iyo Sunta Lagu Daadiyo Xeebaha,ayuu sheegay Baashe Cawil.

Dhulka Laga Dhisayo saldhiga Oo Dhan 42km Ayaa Ka Koobnaan doona Saldhig Ciidanka Baddu Yeelan Doono, Iyo Laba Runway Oo Isbarbar Socda, Ranwayga Koobaad Oo Dhan 4.9km Ayaa Boqolkiiba Lixdan La Dhamaystiray Sida uu Xusay Baashe Oo Hadda Ah Wakiilka Somaliland Ee Dalka Kenya.

Ciidanka Imaaraaka Ayaa Tababar Siin doona Ciidanka Badda Somaliland Sida Uu Baashe Sheegay Markale.

Wasaarada Arimaha Dibadda Ee Imaaraadka Ayaan Ka Jawaabin Mar Wax laga Waydiiyey, Sidoo Kale Abdullah darwish Oo Ah Madaxa Shirkadda fulinaysa dhismaha saldhiga, Oo Ay Ku Kacayso $90million o dollar Ayaan Ka Jawaabin Mar Wax Laga Waydiiyay.

Heshiiska Saldhigga Ayaa yaalay Miiska Wadahadlka Tan Iyo 2016-Kii Markaas Oo Ra’iisal wasaarihii horre ee Ethiopia Haylamariem Deseliegn uu Muujiyay Cadhada Dawladdiisu Ka Qaaday In Imaaraadku Saldhig Ka Samaysto Magaalada Dekadda Ah Ee Casab Ee Dalka Eritrea, Isaga oo Codsaday In Loo Raro Magaalada Berbera, Sida uu Sheegay Baashe Cawil.

Gudida Cunaqabataynta Hubka Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Wadamada Somalia Iyo Eritrea Ayaa Warbixin Ay U Gudbiyeen Golaha Ammaanka, Ku Sheegay In Sawiro Lagu Qaaday Setteliteku ay Muujinayaan Maraakiib dagaal Oo Taagan Dekadda Casab, iyaga oo Xusay In Balaadhin ay Ku Socotay xiligi sawiradda la qaadayey.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga