Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Ayaa sheegay In Heshiiskii Dekeda Berbera Uu Ku Yimid Is Faham Dhex Maray Dowladdii Hore Ee Soomaaliya.

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibeda Imaraatka Oo La Hadlay Bbc-Da Laanteeda Afka Carabiga Ayaa Sheegay Inay Aqoonsan Yihiin Midnimada Soomaaliya, Isagoo Caddeeyay In aanay Wax Xidhiidh Ah La Laheyn Somaliland, Isla Markaana Qunsuliyad Iyo Safaarad Midna Ku Laheyn.

Mar Uu Ka Hadlayay Wada Hadalada Lagu Xalinayo Khilaafka Diblomaasiyadeed Ayuu Sheegay In Soomaaliya Looga Baahan Yahay Wada Hadal Furan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Ayaa Shaaca Ka Qaaday Inuu Socdo Wada Hadalo Lagu Xalinayo Mad Madowga Labada Dal Soo Kala Dhex Galay Iyo Arrintii Dhacday 8-Dii Bishan Ee Lagu Xayiray Diyaarad Ka Diwaangashaneyd Imaaraadka Carabta, Isla Markaana Ciidamada Amniga Soomaaliya La Wareegeen Lacag Gaadheysay 9.6 Milyan.

Xidhiidhka Diblomaasiyadeed Ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta Ayaa Sii Xumaanayay, Waxaana Imaaraadka Ay Ku Dhawaaqeen Inay Joojiyeen Howshii Tababarada Ay Ka Wadeen Soomaaliya, Iyagoo Sidoo kalana Joojiyay Shaqadii Isbitaal Ay Ku Lahaayeen Magaalada Muqdisho,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga