Imaaraadka Carabta Ayaa Joojiyay Taakulayn Uu Siin jiray Cusbitaalka Sheekh Sayed Oo Ku Yaalla Caasimadda Soomaaliya,Ee Muqdisho, Iyada Oo Ay Sii Kordhayaan Xiisadaha Labada Dhinac U Dhaxeeya.

Cisbitalka Sheekh Sayed, Ayaa Bixin Jiray Daaweyn Bilaash Ah Oo Loogu Talagalay Dadka Saboolka Ah Iyo Barakacayaasha, Ayaa La Xidhay Isniintii,Kadib Markii Dawladda Imaraatka Ay Ka Jartay Taakulayn Ay Siin Jirtay,

Agaasimaha Cusbitaalka Dr Salim Nurane Ayaa Sheegay In Shaqaalaha “Ay Heleen Amarada Ah In Albaabada Loo Xidho Cisbitaalka.

Isniintii, Imaaraadka Carabta Ayaa Shaaciyay In Ay Joojin Doonnaan Howlgalladii Militari Ee Ay Ka Wadeen Soomaaliya.

Tani Waxay Timid Ka Dib Markii Ay Soo Baxeen Warar Sheegaya In Saraakiisha Soomaalida Ay Joojiyeen Diyaarad Ka Timid Dalka Imaraatka Tasoo Kasoo Dagtay Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Bosaaso Ee Caasimada Maamulka Puntland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga