Ilaa 27 qof ayaa ku nafwaayay roobab waawayn oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay qaybo ka mid ah galbeedka waddanka Hindia.

Roobabka ayaa xidhay wadooyinka, dhabaha tareenada iyagoo sidoo klae hakad galiyay duulimaadyada magaalada mumbai.

Roobabka da’a inta u dhaxxaysa bilaha june illaa september ayaa inta badan khasaare laxaad leh soo gaadhsiiya dhismayaasha qadiimka ah ee ku yaala dalka india.

Dadka ugu badan ee ku nafwaayay roobabkan ayay intooda badan ku dumeen gidaarada dhismayaasha qadiimka ahi, sida ay xaqiijiyeen kooxaha gurmadka ee magaalda mumbai.

Magaalada mumbai ayaa u muuqata mid muhiim u noqonaysa dhaqaalaha caalamka. Balse magaalada ayaa wali la daalaadhacaysa nashqadda qadiimka ah ee magaalada. Sida biriishyada, marinada biyaha iyo dhismayaasha ayaan la casriyayn.

Roobabka oo 300mm dhulka hoos u galay muddo 24 saac ah ayaa tareenada mumbai ku khasbay in ay hakad galaan. Xili ay malaayiin ka mid ah shacabka india si maalin le ah u isticmaaalaan khadka tareenka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga