Hogaayiha Ruuxiga Ah Ee Dalka Iiran, Ayatollah Khamenei Ayaa Sheegay In Weerarkii Lagu Qaaday Meel Ay Gaado Ka Cayaar Kusoo Bandhigayeen Militariga Koonfurta Galbeed Ee Dalkaasi Uu Ahaa Weerar Lala Xidhiidhinayo Saaxibada Ama Xulufada Uu Mareykanka Ku Leeyahay Gobolka.

Ugu Yaraan 29 Qof Ayaa Ku Dhimatay Toboneeyo Kalana Way Ku Dhaawacmeen Ka Dib Markii Rag Hubaysan Ay Rasaas Ku Fureen Magaalada Ahvaz.

Askarta Ayaa Markii Uu Weerarkaasi Dhacay Ku Cararay Goobo Ay Gabaad Ka Dhigtaan Halka Dadkii Rayidka Ahaa Ay Naftooda La Baxsadeen.

Waxaa Sidoo Kale Weerarka Ku Dhintay Afar Ka Tirsan Kooxaha Mintidiinta.

Koox Maxali Ah Oo Asalkoodu Carab Yahay Oo Gooni U Goosad Ah Ayaa Sheegtay Masuuliyada Weerarkan.

Wararka Ayaa Sheegaya In Kala Badh Dadka Weerarka Ku Dhintay Ay Ahaayeen Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Waxaa Sidoo Kale Masuuliyada Weerarka Sheegatay Kooxda La Baxday Dowladda Islaamka.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Ayaa U Muuqday In Uu Farta Ku Fiiqanayay In Dadka Weerarka Gaystay Ay Soo Hubeeyeen Israa’Iil Ama Wadamada Ay Xulufada Yihiin Mareykanka Ee Gobolka Gacanka Sida Sacuudiga.

Magaalada Ahvaz Ayaa Kamid Ah Magaalooyinkii Ugu Dambeeyay Ee Dalkaasi Oo Ay Ka Socdeen Dibadbaxyo Looga Soo Horjeedo Dowladda Oo Ay Shacabka Uga Cabanayeen Sicir Barar Iyo Qiimaha Badeecadaha Oo Sare U Kacday

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga