Madaxweynaha Dalka Masar, Cabdul-Fattah al-Sisi iyo dhiggiisa Falastiin, Mahamoud Abbas ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan Berrito Magaalada Sharm El Sheikh ee Dalka Masar, iyagoo ka wada hadli doona xaaladda Gobolka Bariga dhexe iyo horumarradii laga gaadhay xaaladda Falastiin.

Labadan Nin ayaa qorsheynaya in ay ku kulmaan munaasabadda xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka oo ka dhici doonta Magaala Xeebeedda loo tamashalaha tago ee Sharm El Sheikh, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Safiirka Falastiin u jooga Dalka Masar ,Diab al-Louh ayaa sheegay in Mr, Abbas uu iman doono Qaahira Galabnimada Jimcaha, isaga oo hogaaminaya wafdi heer sare ah.

Maxamuud Cabbaas, ayaa horay ula soo kulmay Suldaanka Dalka Cumaan, Sultan Qaboos bin Sayid, markii uu Maalin ka hor Booqday Magaalada Muscat,waxanay Labada hoggaamiye ka wada hadleen halka ay marayaan wada hadallada Falastiin iyo Israa’iil, go’aanka uu Maraykanku dhawaan ugu aqoonsaday Qudus caasimadda Yahuudda iyo qodobbo kale.

Wada hadalladii Falastiin iyo Israel ayaa burburay Sannadkii 2014, markii ay xukuumadda Tel Aviv ka dhaga adaygtay baaqyo ku aaddanaa inay joojiso dhismayaasha sharci darrada ah ee ay ka waddo daanta Galbeed iyo dib u degaamaynta Dadka Yuhuudda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga