Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa furmaya, ka dib markii uu furnaa suuqa kala iibsiga cayaartoyda ee xilliga xagaaga.

Inkastoo aysan jirin tiro aad u badan oo cayaartoy ah oo Ingiriiska Ka Yimid, Hadana cayaartoy tayo sare leh ayaa waddamo dibadda ah kaga yimid Ingiriiska.

Halkan waxaan ku Qoran Lix ka mid heshiisyadii ugu waaweynaa.

Lucas Torreira – Arsenal
Ka yimid: Sampdoria (Talyaaniga)

Lagu iibsaday: £26.4m

Way adag tahay in la dhayalsado muhiimadda uu xilli cayaareedkani u leeyahay kooxda Arsenal.

Naadigu wuxuu ahaa mid gebi dhaclaynayey dhowrkii xilli cayaareed ee u dambeeyey, ayadoo hadba dib loo dhigayey ka tegidda Arsenal wenger uu kooxda ka tegey.

Laakin ayadoo uu hadda hogaanka u qabtay Unai Emery, oo ah tababarihii ugu horreeyey ee ay kooxdu yeelato, ka dib 22 sano oo uu hogaanka u hayey Wenger, ayaa waxay doonayaan in waaga cusub ee u beryey uu noqdo mid iftiimaya.

Iibsiga ay Juventus kasoo iibsadeen Stephan Lichtsteiner oo 7 goor qaaday horyaalka Serie, ayaa ah mid u wanaagsan difaacooda.

Laakinse Lucas Torreira ayaa uga sii muhiimsan.

22 jirkan khadka dhexe uga cayaara Uruguay ayaa aad uga dhex muuqday koobka adduunka, isagoo 5 goor waddankiisa u ciyaaray, waxaana la xusuustaa inuu mar kubadda madaxa ku dhiftay isagoo dhulka yaalla.

Waa nin aad u firfircoon, waana qofka ay Arsenal doonayso, qof kala daadin kara difaaca ka hor jeeda.

aad baa loo dhararsaday imaatinkiisa. Taageerayaasha Arsenal waxay taako-taako ula socdeen halka uu hadba marayey duullimaadkii uu ku yimid London.

Jorginho (Chelsea)
Ka yimid: Napoli (Talyaaniga)

Lagu iibsaday: £50m

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga