Haweenay Soomaaliyeed Ayaa Lagu Xidhay Dalka Norway Kadib Markii Lagu Soo Eedeeyay Inay Kamid Tahay Ururka Argagixisada Daacish,Waxaanay Booliska Dalkaasi Ay Ka Qabteen Xilli Ay Ka Dhoofeysay Magaalada Oslo.

Haweeneydan Soomaaliyeed Oo Ah Hooyo Dhashay 5-Carruur Ah Ayaa Booliska Norway Waxay Sheegeen Iney Taleefankeeda Gacanta Ay Ka Heleen Qoraalo Ay Isu Direen Nin Soomaali Ah Oo Isna Dhowaan Ay Dowladda Ingiriiska Ay Ku Xukuntay 8-Sano Oo Xabsi Ah.

Booliska Magaalada Oslo Ayaa Sheegay In Haweenaydan Xilligii Gacanta Lagu Dhigayay Ay U Safreysay Dalk Suuriya Halkaasi Oo Sida La Ogyahay Ay Ka Dagaalamaan Kooxda Argagixisada Daacish.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga