Madaxweyneyaasha Wadamada Eritrea iyo Itoobiya ayaa Ka Degay Magaalada Juba Ee Caasimada Dalka Koonfurta Sudan, Halkaas oo uu Ku Qaabilay Madaxweyne Salva Kiir, Madxweynaha Koonfurta Sudan.

Socdaalka Hogamiyeyaashan oo Maalintii Isninta Gaadhay Magaaladda Juba ayaa Imanaya Xili ay Socdaan Dedaalda Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta Ee Dalka Koonfurta Sudan, iyadoo Laga Cabsi Qabo In Heshiiskii u Dhaxeeyay Maamulka Madaxweyne Salva Kiir iyo Kooxaha Mucaarid uu Burburo, Degaal Cusubina ui Ka Dhaco Dalka ugu Da’da Yar Wadamada Dunida Ee South Sudan.

Saddexda Hogaamiye ayaa Ka Wada Hadlay Sidii Loo Xoojin Lahaa Heshiiskii Nabadda Ee Dhinacyada Isku Hay Koonfurta Sudan.

Waxay Isla Qaateen Sii Xoojinta Xidhiidhka Ganancsi Ee U Dhexeeeya Wadamada iyo Adkaynta Ammanka.

War Murtiyeed ay Si Wada Jira usoo Wada Saareen ayay Ku Xuseen, In Saddexda Dal Ay Si Wada Jira uga Qayb Qaadan Doonan Mashaariic Horumarineed oo u Dhexeeya, iyadoo ay Hawsha Fududayn Doonan Wasiirada Arimah Dibadda Ee Sadxda Dal.

War Kasoo Baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa Lagu Sheegay in Arintani ay Qayb Ka Tahay Dedaalada Kor Loogu Qaadayo Iskaashiga Ganacsi ee Wadamada Gobolka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga