Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa khadka telefoonka xidhidh kula yeeshay Boqorka Waddanka Qadar Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani.

Labada Hogaamiye ayaa ka Wadda Hadlay sidii ay xidhiidh wanaagsan u wada yeelan lahaayeen labada wadan ee Ethiopia Iyo Qadar.

Sidoo kale intii ay wada hadlayeen labada hogaamiye waxa kale oo ay isla soo qaadeen xidhiidhada ganacsi iyo danaha gaarka ah.

Labada wadan ayaa hore u kala saxeexday heshiis qiime badan ku kacayey, kaas oo ay dawladda Qadar ka hir gelinaysay dalka Ethiobia.

Waxa kale oo ay isla soo qaadeen xidhiidhada dhinaca difaaca, isku socodka dadka iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed, baasaaboorada dadka gaar ahi ay sitaan iyo kuwa dawladda oo la isu fududeeyo, sidii ay labada dhinac uga faa’iidaysan lahaayeen heshiisyadda maal gelinta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga