Hogaamiayaha mudada dheer la la’aa ee kooxda daacish, abubakar albqadadi, ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday muuqaal muran badan dhaliyay, kadib muddo shan sanno ah oo meel uu jaan iyo cidhib dhigay la waayay. 2014-kii ayaa ugu danbeysay shaashadaha kadib markii uu magaalada moosil kaga dhawaaqay khilaafada islaamka.

Wuxuu soo duubay khudbad socotay 18 daqiiqo.

Muuqaalka waxa sii daysay kooxda daacish, gaar ahaana warbaahinta alfurqaan ee ku hadasha afka kooxda, isagoo xidhan khamiis madaw, iyo shaayad.

Abubkar albqadaadi ayaa wacad ku maray in ay aargoosi kaga jawaabi doonaan, ciidanka kooxda ee la xidhixdhay iyo kuwa la dilay.

Wali macada xiliga muuqaalka la duubay, balse albaqdaadi ayaa carabka ku dhuftay dagaalkii dheeraa ee kooxda daacish lagala wareegay deegaankii ugu danbeeyay ee ay ka talinayeen ee baquus, oo dhaca bariga Suuriya, kaas oo lagala wareegay bishiii hore.

Albaqdaadi wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday weeraradii dadka badan lagu laayay ee ka dhacay dalka srilanka.

Kooxda daacish ayaa sanadihii ugu danbeeyay laga saaray deegaano badan oo ay haysatay, iyadoo jab kala kulantay dagaalka barooga dhexe, oo markii hore ay deegaano badan isku fidisay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga