Dowladda Soomaaliya Ayaa Sheegtay In Ay Qabatay Lacag Ku Dhowaad $ 10milyan Ah Oo Ay Siday Diyaarad Ka Timid Caasimadda Abu Dhabi Ee Imaaraadka Carabta.

Lacagta Ayaa Laga Helay Sadex Boorso Oo aan Wax Sumadda Lahayn, Kuwasoo Saarnaa Diyaaradda Royal Jet,

Wasaarada Arrimaha Gudaha Ee Soomaaliya Ayaa Sheegtay,In Baadhitaankii Lagu Samaynayay Boorsooyinka Ay Is Hortageen Shaqaalaha Safaarada Imaraatka Ee Muqdisho.

Hay’Adda Nabadgelyada Ayaa Sheegtay In Lacagahaasi Dhamayeen 9.6 Milyan Oo Doollarka Mareykanka Ah, Kuwaas Oo Hadda Baaritaan Lagu Wado. Halka Ay Lacagtaasi Ka Soo Gashay, Halkii Ay Ku Socotay, Shakhsiyaadka Ku Lugta Leh Iyo Sababta Keentay Lacagtan Dalka

Xidhiidhka Ka Dhexeeya Soomaaliya Iyo Imaraatka Carabta Ayaa Ahaa Mid Sii Xumaanayay Tan Iyo Bishii Juun Ee Sannadkii Hore. Kadib Markii Somalia Diiday In Ay Xidhiidhka U Jarto Dawladda Qatar Iyada Oo Soomaaliya Sheegtay In Ay Dhex Dhexaad Ka Ahayd Tartankii Diblomaasiyadeed Ee Wadamadda Carabta.

Bishii Hore, Imaraatka Carabta Ayaa Ogolaaday Inuu Tababaro Ciidamada Ammaanka Ee Somaliland. iyada Oo Somalia iyo Somaliland Mudooyinkii U Danbeeyay Xurguf Siyaasadeed Ka Dhaxeeyay.

Imaaraadka Ayaa Sidoo Kale La Saxiixday Somaliland 30-Sano Oo Ah Heshiis Lagu Maamulayo Dekedda Berbera. Waxay Sidoo Kale Bilowday Dhisida Saldhig Milatari Oo Uu Ku Yeelanaayo Magaaladda Berbera.

Abukar Cusmaan, Oo Ah Danjiraha Soomaaliya U Fadhiya Qaramada Midoobay, Ayaa Sheegay In Heshiiskii Somaliland Iyo Imaraatka Carabta Uu Ahaa Mid Baal Marsan Shuruucda Caalamiga Ah.

Cusmaan Wuxuu Ugu Baaqay Golaha Ammaanka In Ay “Qaadaan Talaabooyinka Lagama Maarmaanka Ah” Si Wax Looga Qabto Farogalinta Imaraatka Uu Ku Hayo Dhulka Somalia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga