Lionel Messi ayaa kulamadii ugu danbeeyay joojiyay gool dhalintii uu xili ciyaareedkan sida wayn hogaanka tartanka gool dhalinta La Liga uu ugu soo hayay wuxuuna hadda u muuqdaa mid uu dib ugu furmay loolan adag oo kaga imanaya xidiga ay isku kooxda Barcelona yihiin ee Luis Suarez. Messi oo waqti u muuqday in uu la baxsaday abaal marinta Pichichi ee gool La Liga ayaa hadda wajihi kara in Suarez oo gool dhalin cajiib ah la soo baxay uu soo qabto.

Laakiin sidoo kale Cristiano Ronaldo oo halka ugu hoosaysa kaga jiray liiska gool dhalinta xili ciyaareedkan ayaa si cajiib ah sare ugu soo qaaday gool dhalintiisa isaga oo ka mid noqday xidigaha ilaa hadda soo dhaliyay goolasha ugu badan ee horyaalka La Liga.

Inkasta oo uu wali Lionel Messi yahay xidiga ugu cad cad ee abaal marinta Pichich ee gool dhalinta La Liga difaacan marka maadaama oo uu 20 gool hogaanka ku hayo, haddana in aanu goolal soo dhalin kulamadii ugu danbeeyay iyo in Suarez uu 17 gool yeeshay ayaa keenaysa in hogaanka lagala wareegi karo.

Lionel Messi ayaa Luis Suarez caawiye u ahaa goolkii uu ka dhaliyay kulankii Eibar iyada oo labadan xidig ay tartanka gool dhalinta La Liga oo dhexdooda ah ka door bidiyaan in ay ku guulaystaan koobka La Liga oo ay muhiimada kowaad u arkaan balse sidoo kale ciyaartoy kasta ayaa jecel in uu ku guulaysto abaal marinta shaqsiga ah.

Lionel Messi iyo Luis Suarez oo dhexdoosa soo dhaliyay 37 gool laakiin xidiga kooxda Celta Vigo ee Iago Aspas ayaa ah xidiga saddexaad ee ilaa hadda goolasha ugu badan ka soo dhaliyay horyaalka La Liga isaga oo 15 gool kaalinta saddexaad ugu jira wuxuuna laba gool oo kaliya ka hooseeyaa Suarez oo kaalinta labaad 17 gool ugu jira halka uu Messi 5 gool ka hooseeyo.

Xidiga kooxda FC Girona ee Cristhian Stuani ayaa kaalinta afraad ugu jira 13 gool waxaana kaalinta shanaad min 12 gool ugu ira xidiga kooxda Celta Vigo ee Maximiliano Gómez iyo Cristiano Ronaldo. Ronaldo oo ay kooxdiisa Madrid baaqi u tahay ciyaartii Leganes ayaa hadda 8 gool ka hooseeya Messi oo 20 gool hogaanka ku haya wuxuuna hadda u muuqdaa mid dib u helay gool dhalintiisa La Liga isaga oo sare u soo qaaday hamigiisa ah in uu u tartamo gool dhalinta La liga inkasta oo wali aad looga horeeyo.

Miiska Kala Saraynta Gool Dhalinta La Liga Iyo Xidigaha Ilaa Hadda Goolasha Ugu Badan Soo Dhaliyay:

20 gool – Lionel Messi (Barcelona)

17 gool – Luis Suarez (Barcelona)

15 gool – Iago Aspas (Celta Vigo)

13 gool – Cristhian Stuani (Girona)

12 gool – Maximiliano Gomez (Celta Vigo), Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

11 gool – Willian Jose (Real Sociedad)

10 gool – Gerard Moreno (Espanyol), Simone Zaza (Valencia)

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga