Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo sameeyeen dastuur jabin iyo khiyaamo Qaran.

Luuqadda adage e Dr Cirro waxay daba socotay hadalka wasiirru dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash oo shalay BBC-da u sheegay in ay heshiiska dekedda Berbera kala heshiiyeen dawladdii hore ee Soomaaliya ee Xasan Sheekh, islamarkaana aanay wax xidhiidh ah la lahayn Somaliland.

Dr Cirro waxa uu sheegay in waxa kaliya ee u bannaan Madaxweyne Biixi yahay in uu iscasilo, islamarkaana dalka laga qabto doorasho madaxweyne oo degdeg ah “Madaxweynahu wuxu jabiyey dastuurkii, wuxuuna ku kacay khiyaamo qaran. Waana in uu si deg dag ah isku casilaa oo dalkana laga qabtaa doorasho Madaxtooyo,” Sidaas ayaa ka mid ah hadalka Dr Cirro.

Bulshada Somaliland ayaa amakaag ka qaaday hadalka dawladda Imaaraadka waxaana baraha bulshada lagu arkayay dhalleecayn badan oo loo soo jeediyay xidhiidhka xukumadda ee ah Saldhigga Militari iyo dekedda. Dadka xukumadda taabacsan ayaa ku andacoonaya in BBC-du been sheegayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga