Guddoomiyihii gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu daweynayey.

Yariisow ayaa waxa uu ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019, kaasi oo qaar badan oo kale oo ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka ay ku dhinteen.

Waxaa isla saacad kadib la dhigay isbitalka Digfeer ee Muqdisho, halkaasi oo maalin kadib laga qaaday lana geeyey isbital ku yaalla magaalada Doha ee dalka Qatar, oo lagu daweynayey tan iyo markaas.

Dhaawaca qaraxa kasoo gaaray Yariisow ayaa u badnaa firirro ka galay qaybaha sare.

Dad la jooga ayaa sheegay in Guddoomiyaha firirka ugu daran uu Kaga jiray madaxa. Sidoo kale firirka kale ee halista ahaa ayaa laga saaray caloosha intii uu ku sugnaa Muqdisho.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jirtay rajo wanaagsan oo ahayd in xaaladdiisa ay kasoo raynaysay sidii hore kadib qaliino dhowr ah oo lagu sameeyey. Hase yeeshee waxaa qorneyd in waqtigiisa ku ekaa maanta.

Waxaa la joogay qoyskiisa oo ka yimid dalka UK iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga