Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.

Guddoomiye Xamse ayaa waxa lagu weeraray deegaanka Cali saahid oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer, halkaasi oo ku marayey socdaal.

Gaadhiga uu saarna guddoomiyaha ayaa waxa lagu soo waramayaa in rasaas badan lala dhacay, inkasta oo aysan gudoomiyaha ka soo gaadhin dhaawac culus weerarkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo xukuumada Muuse Biixi oo si cad u bidhaaminaya siday wax u dhaceen iyo cida ka dambeysay weerarkasi lagu qaaday guddoomiyaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga