Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, abiy ahmed, Ayaa Markii Labaad Magacaabay Golihiisa Wasiiradda Oo Ka Kooban 20 Wasiir, Kuwaas oo 10 Ka Mid Ahi Haween Yihiin. Waa Markii Labaad Ee Uu Magacaabis noocan Oo Kale Ah Sameeyo Tan Iyo Markii Uu Xilka Qabtay.

Ra’iisal Wasaaraha itoobiya Ayaa Wasiirka Maaliyadda u Magacabay Axmed Shide, Oo Hore u Ahaa Wasiirka Gaadiidka.

Gollahan Wasiirada Ayaa Sidoo Kale Waxaa Xilal Sare Loogu Magacaabay Qowmiyado aan Waligood Xilal Sare Ka Qaban Dawladda Dhexe Ee Itoobiya.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, Ayaa tan iyo markii Bishii April Loo Dhaariyay Xilka Ra’iisal Wasaarenimo Waxaa uu Dalka ka Hirgaliyey isbadal Xoogan oo Saameeyay Qaar Kamida Wadamadda Geeska Africa.

Micnaha Ugu Weyn Ee Uu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmd Isku Badalka ugu Sameeyay Golihiisa Wasiirada Ayaa Loo Arkaa In Ay Tahay Mid Shacabka Iyo Dalka Quluubtoodda Lagu Midaynaayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga