Fadhiga Oo Furmi Lahaa 9:00 Kii Subaxnimo Ayaa Dib uga Soo Dhacay Waqtigii Waxaanu Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladu Furay Kalfadhigaasi La Wada Sugayey 10:00 Subaxnimo.

Dooda Xildhibaanadda Ayaa Ahayd Mid aad u Adag oo Laga Dheehan Karayey Mid Muran, Buuq Iyo Sawaxan.

Xildhibaanadda Ayaa Qodob Qodob u Ansixinayey Qodobadii Wax Ka Badalka Iyo Kaabista Lagu Sameeyey Xeerka Booliska Somaliland.

Markii La Soo Gaadhay Ka Doodista Qodobkii ugu Xasaasinaaa ayaa Xildhibaanadda Waxaa ka dhex dhashay Buuq iyo Muran Ku aadan Qodobkan.

Xildhibaanadda Ayaa Ugu Danbayntii u Codeeyey Qodobkii Muranka Badan ka dhex Dhaliyey, oo sheegayey in aan Boolisku Rasaas u Adeegsan karin Shacabka.

Mar Kale Waxaa Bilaabmay Muran Iyo Sawaxan Waxaana Goobta Ka Dareeray Qaar Ka Mid ah Xildhibaanadda oo Ka Biyo Diidanaa Qodobkan La Ansixiyey.

Isku Day Badan Ka Dib Waxaa ay Xildhibaanadii Dib ugu Soo Laabteen Kalfadhiga Waxaana La Isla Qaatay In Qodobkaasi Si la isla Qaatay Loo dhigo.

Xildhibaanadda Gollaha Wakiiladdu Waxa ay Cod Gacan Taag ah u Qaadeen Dhamaanba Nuquladda uu Ka Koobanaa Xeerkii Booliska Somaliland.

Sidoo Kale Xarunta Baarlamaanka Somaliland oo Maanta Lagu Ansixiyey Xeerka Booliska  Waxaa Fadhiyey Garyaqaano, Xubno ka Socday Ururada Bulshada Rayidka Iyo Hay’adaha Xuquuqal Iinsaanka Somaliland, Waxaana ay Dhamaantood Sharci Darro Ku Tilmaameen Ansixinta Xeerka Booliska Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga