Xildhibaanadda Golaha Guurtidda Somaliland ayaa Muddo Kordhntii Shanaad oo Sagaal Bilooda u Sameeyay Golaha Wakiiladda, Iyaga oo Doorashadda u Qoondeeyay in ay Qabsoonto Bisha 12-aad ee Sannadka 2019-ka. Halka Doorashadda Golaha Guurtiddana loo Qoondeeyay in ay Qabsoonto Bisha-12-aad ee Sannadka 2020-ka.

Bil Kahor waxaa Dhamaatay Muddo Kordhintii Afaraad ee loo Sameeyay Gollaha Wakiiladda Somaliland.

Todoba Xildhibaan oo Kamida Gollaha Guurtidda Somaliland, Kuna Jiray Gudidii Gudoomiyaha Goalahaasi u Saaray Kasoo Talo Bixinta Muddo Kordhinta ayaa Loo Diiday in ay soo Galaan Gudaha Golaha iyadda oo Waraaqo Lagaga Mamnuucayo la Dhigay Kidinka Lagasoo Galo Aqablka Gollaha Guurtidda Somaliland, Sida ay noo Xaqiijiyeen Ilowareedyo Ka ag Dhow.

Muddo kordhintan ay Sameeyeen golaha Guurtidda Somaliland ayaanay Ka Muuqanin  isla Markaana lagusoo hadal qaadin golayaasha deeganka oo muddo xileedkoodu dhamaanayo   bisha saddexad ee sanadkan.

Muddo Kordintan ayaa Kusoo Beegmaysa iyadda oo Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland ay Wali isku Khilaafsan yihiin Qaabkii Loo Wajihii Lahaa Doorashooyinka Golayaasha.

Falanqeeyaasha Siyaasadda ayaa Qaba in Dib udhaca Ku Imanaya Doorashooyinka Somaliland ay Dhaawici Karto Nimaadka Dimuqraadiyadda ee ay Somaliland Ku Qaadatay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga