gargaarkii ugu horeeyay ee ka imaadda Qaramada Midoobay ayaa gaadhay Xeryaha qaxootiga ee ku yaala xudduudka Suuriya iyo Jordan oo ay ku nool yihiin illaa iyo 50,000 oo dad rayid ah, kuwaas oo kasoo barakacay dagaaladda ka socda waddanka suuriya.

Kolonyaddan gargaarka siday waxaa lagu wadday in ay yimaadaan xerada Rukban 27-kii bishii October ee sannadkan, laakiin dib ayaa loo dhigay sababo nabadgelyo awgood.

Ciidanka Suuriya ayaa xakamaynaya helitaanka gargaarka, oo ku dhow dhow saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay dalka. Jordan.

Waxaa jiray warbixino sheegaya in carruurta ku nool xeyahani ay u dhimanayaan sababo la xidhiidha xaaladaha nadaafadda oo liita iyo daryeel la’aan caafimaad.

Xeraddan waxaa ka dhisan 10,800 teendhooyin ah oo badan koodu ay ka samaysan yihiin dhoobo, xeraddan ayaa sidoo kale loo yaqaana “mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ku nool yihiin dadka reer suuriya ee ay guryahoodii kssoo barakiciyeen colaaduhu”

Qaramadda midoobay ayaa ku qiyaastay in 80,000 dadka reer suuriya ee ku nool Xerradda Rukban ay ku badan yihiin dumarka iyo carruurta, halka kooxaha gargaarku ay sheegeen in haweenka uurka leh ee jooga xeradan ay dhalayaan iyada oo aanay helaynin daryeel caafimaad oo aasaasi ah.

“Kolanyaddan gargaarka oo ka koobnaa Todobo ilaa siddeed baabuur ayaa sidday Mucaanooyin isugu jiray raashin, dharka carruurta, daawooyin iyo waliba bacaha cadceeda iyo roobka laga galo, ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suuriya.

“Waxaan sidoo kale qabaneynaa olole tallaal oo degdeg ah si loo badbaadiyo nolasha 10,000 oo carruura, anaga oo ka talaalayna, jadeecada, dabaysha iyo cudurrada kale ee dhimashada sababa ,” ayuu yidhi Xidhiidhiyaha gargaarka Qaramada Midoobay Cali Al-saciidi.

Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in xaaladda guud ee bani’aadamnimada ee xeraddani ay tahay “marxalad adag, iyada oo la soo sheegayo dhimashada dhowr caruur ah oo aan awoodin in ay helaan daaweyn dheeraad ah.”

Dadka xeryahan dagan ayaa bilaabay inay yimaadaan dhammaadkii 2015-kii. kadib markii ay kasoo carareen goobaha Suuriya ee ay maamulayeen kooxda argagixisadda ee isku magacowda dawlada ismaaliga ah.

Waxay doonayeen inay ka gudbaan Webiga Urdun oo ay ku biiraaan ilaa 670,000 oo qaxooti Suuriyaan, ah oo soo barakacaayey tan iyo markii dagaalka sokeeye uu bilaabmay 2011,kii laakiin boqortooyada Jordan ayaa ku shubtay isgoyska Rukban bishii June 2016-kii, ka dib markii lix askari lagu dilay weerar bambooyin ahaa oo ay sheegteen kooxaha IS.

Jordan ayaa ku adkeysaneysa in la yareeyo qaxootiga kusoo qulqulaya xeradan, laakiin waxay u oggolaatay in marxaladaha gargaarka la gaadhsiiyo illaa Janaayo. Tan iyo markaas, dadka degan waxay ku khasbanaadeen in ay ku tiirsanaadaan waxa ay Qaramada Midoobay ku magacawday “khiyaano” ganacsiga.

bishii hore, ciidammada dowladda Suuriya ayaa xannibay jidadka soo gala xerada ka dib markii ay ku fashilmeen heshiiskii dib-u-heshiisiinta ee kooxaha mucaaradka. iyadda oo Qiimaha cuntada iyo sahayda aasaasiga ah ay si aad ah u kordheen ilaa wakhtigaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga