Ganacsatada Suuqa ugu wayn magaalada Muqdisho, ee bakaaraha ayaa intiisa badani ay xidhan tahay, kadib markii dawladdu ay cashuuro dheeraad ah ku soo rogtay ganacsada. Ganacsatada ayaa cabasho xooggan ka muujiyay cashuurahan lagu soo rogay, waxaana ay sheegeen in cashuurtani aanay ahayn mid ay iska bixin karayaan. Dawladda Soomaaliya ayaan cabashadaa ka hadal.

Wasaaradda maaliyaddda dawladda dhexe, ee Soomaaliya ayaa cashuuro badan ku soo rogtay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada ba. Wasiirka oo ka duulaya qorshaha dawladda ayaa sheegay in cashuurta ay kordhiyeen ay tahay mid dalka dib loogu celinaayo, ee aanay ahayn mid dadka gacanta ku hayaa ay iska leeyihiin.

Dawladda Soomaaliya ayaan muddo 27 sano haysan ilo dhaqaale, marka laga reebo dekedda Muqdisho iyo madaarka Aadan Cadde. Xukuumadda haatana ayaa isku dayaysa inay samayso ilo dhaqaale oo aan ahayn kuwaa aan soo sheegnay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga