Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku Edeeyay Xukuumadihii Soo Maray Somaliland in ay Jabiyeen Dastuurka Isla Markaana Ganacsigii Loo Xidhay Dad Gaar ah.

Faysal Cali Waraabe Waxa uu ku Taliyay in La Hir Geliyay Nidaamka Suuqa Xorta ah uu ay Somaliland Qaadatay isla Markaana La Tirtiro Heshiisyadda Kootada Loogu Xidhay Ganacsiga Dad Gaar ah.

“11-Cable ayaa Mara Badda Jabuuti inaguna Midh Qudha ma Lihin,” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

“Waxaan Leenahay Somaliland Waxay Had iyo Jeer ku caan Baxday Suuqa Xorta ah, inta Goor ee Sharcigaa la Jabiyeyna way Badan tahay, waxaana Kamida Shirkaddo Kooto Loogu Xidhay Ganacsiga Xorta ah,”ayuu Hadalkiisa Sii Raaciyey Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guduoomiye Faysal Cali Waraabe Waxa Kale oo uu Xusay in Eexda iyo Qaraabo Kiilka ay Ku Dhaqmaan Kolba Inta Xukunka Haysaa ay Wax Yeelo u Geysan Karto Nabad Galyadda Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga