Fadeexad Xoogan Ayaa Ka Dhalatay Qoraal Lagusoo Qoray Bogga Twiterka Ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO Gaar Ahaan Xafiiskeeda Ethopia, Kaas Oo Lagu Aflagaadeeyay, Qof Shakhsi Ah Oo Aragtidiisa Ku Qoray Bartiisa Twitterka.

Qofka Loo Jawaabay Ayaa Markii Hore Bartiisa Twiterka Ah Ku Yidhi “Dadka Dhibaatada Ka Wado Dowlad Deegaanka Soomaalida Ee Itoobiya Waxaa Maalgelinaysa Dowladda Federaalka Itoobiya”.

Wuxuu Intaasi Ku Daray In Dadkaasi Ay Doonayaan Inay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Ay Ka Huriyaan Dagaal Qabaa’Il Islamarkaasna, La Doonayo In Xilka Lagaga Tuuro Cabdi Maxamuud Cumar.

Qof aan La Magacaabin Oo Isticmaalay Barta Twitter Ee Hay’adda Caafimaadka Ayaa Ugu Jawaabay Qofkii Aragtidiisa Cabiray,…”Beenlow! Si Fiican Ayaad U Ogsoon Tahay Cidda Malgelisa, Xaqna Uma Lihid In aad U Nisbayso Xukuumadda Federaalka,..” Ayaa Lagu Qoray Barta Hay’adda Who Ethiopia Ay Ku Leedahay Twitter.

Qoraalkan Hay’adda Who Wuxuu U Horseeday In Lagu Eedeeyo Inay Faraha La Gashay Siyaasadda Dalka Itoobiya.Balse Hay’adda Caafimaadka Adduunka Oo Ka Qoomamaysay Qoraalkan Ayaa Ku Sheegtay Inuu Ka Dambeeyay Qof Kamid Ah Shaqaalaheeda.

Who Waxay Sidoo Kale Sheegtay In Qoraalkani Uu Khalad Yahay isla Markaana Baadhitaanno Ku Samayn Doonaan.iyada Oo Hay’adda WHO Qoraalka Raali Galinta Ah Ku Xustay Inay Dhexdhexaad Ka Tahay Arrimaha Siyaasadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga