Faahfaahino Kala Duwan ayaa Kasoo Baxaya Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dad ka ag-dhawaa Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in gaadhiga qarxay uu yeelay kaalin shidaal  oo ku dhawayd xarunta Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay goob kaalin shidaal ah, waxaana ay xuseen in goobta qaraxu ka dhacay aanay u muuqan mid la bartilmaameed Sankaro balse gaadhiga oo halkaasi yaalay uu qarxay.

Qaraxan Ayaa sababay dhimashada labo Ruux oo Shacab ah Walina ma Jirto Cid Sheegatay Masuuliyadda Qaraxaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga